Top News:Qaraxyo Lala Eegtay Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xalay Ruxay Magaalada Kismaayo.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ee cxarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay magaaldaasi ay ka dhaceen Qaraxyo loo adeegsaday Bomb-ka gacanta laga tuuro ayaa koox hubeysan waxa ay ku weerareen Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ku sugnaa Bar-Koontarool ku taala Magaalada Kismnaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Maleeshiyaad ka tirsan Maleeshiyada Raaskambooni qaraxyadan lagula eegtay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayna ka dhasheen Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradan Xalay lagu qaaday maleeshiyaadka ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo sidoo kale ma ay jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Horjoogeyaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ku aadan qaraxyada Xalay lala eegtay Maleeshiyaadkooda ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka Jubada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com