Yaab: Askari Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Oo Shalay Lagu Dilay Degmada Dayniile.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in shalay lagu dilay xaafada Ood Weeyne ee degmada Dayniile Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Askarigan ayaa lagu dilay xaafadda Ood-weyne ee degmada Dayniile, taasoo aad ugu dhow wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay horay u sii qaateen qori AK-47 ah oo uu watay askariga la dilay.

Goob jooge ayaa sheegay in askariga uu keligiis ahaa, markii ay toogteenna ay kooxaha hubeysan u suuro-gashay inay baxsadaan, waxaana goor dambe goobta ka qaaday maydka askariga la dilay askar kale oo dowladda ka tirsan.

Isku soo wada duuboo waxaa faraha ka sii baxaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho iyada oo aysan jirin in mar walba goobaha dilalkaas ka dhacaan ay ka baxsadaan gacn ku dhiiglayaasha wax dilay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com