Muqdisho, AGGM:Muwaadin Amerikan ah oo ka tagay dalka India ayaa qirtay dambi lagu eedeeyay jimcihii shalay oo ku aadanaa inuu agab ku tageeray Alshabaab oo ka dagaalama Soomaaliya iyo Jabhada Al-Nusra oo ka dagaalanta Dalka Syria.
Gufran Ahmed Kauser Mohammed, oo 31,sano jir ah ayaa qirtay dambiyada lagu eedeeyay kadib markii uu kasoo muuqday maxkamad ku taala magaalada Miami ee dalka Mareykanka.
Mr Maxamed ayaa la sheegay in la xukumi doono 24 ka bisha October ee sanadkaan iyadoo laga baqayo in lagu rido xabsi sanado oo gaaraya 15 sano.
Maxamed ayaa kamid ah labo ruux oo dambiyadaasi lagu soo eedeeyay oo baaritaano ay ku sameysay hayada FBI-da Mareykanka, iyagoo ku eedeysan in dhaqaale ay ku tageereen Alshabaab iyo Al- Nusra.
Waxyaabaha kale ee lagu eedeyay waxaa kamid ah 15 dambi oo ay kamid yihiin taageerada dhaqaalaha iyo isku dayga inuu qalab ku taageero seddex kooxood, oo Alshabaabka Soomaaliya ay ku jiraan.
Maxamed ayaa lagu xeray bishii August ee sanadkii 2013 magaalada Dammam ee dalka Sacuudiga halkaasi oo la sheegay inuu kula noolaa Xaaskiisa iyo gabartiisa.
Marka la eego waxyaabaha kale eelagu eedeyay waxaa kamid ah inuu sameeyay dhaqaale badan oo usoo diray Alshabaab oo ka dagaalama Soomaaliya, isagoo agabna ku taageeray Jabhada Al-Nusra.
Dhaqaalaha uu usoo diray Alshabaab ayaa lagu sheegay inay la egtahay 11,000 oo doolar bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay. Bishii june ee sanadkii 2012 ayaa la sheegay in 10,000 oodoolar uu u diray Jabhada Al Nusra ee dalka Syria.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com