Top News: Al Shaab Oo Xiray Xafiisyada Xawaalada Dahabshiil Ee Gobolka Jubbada Dhexe.

0

Muqdisho, AGGM:Mileeshiyada Al-shabaab ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa amar ku bixisay in la xiro qaar ka tirsan xarumaha Shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil ay ku leedahay gobolka Jubbada dhexe.

Goob joogeyaal ayaa u sheegay Warbaahinta in malleeshiyadu ay xirtay xafiisyada Dahabshiil ee Bu’aale, Saakoow, Salagle, Jilib iyo deegaanno kale oo ka wada tirsan gobolka Jubbada dhexe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in horjoogaha malleeshiyada ee Jubbada dhex, Cabdiraxmaan Xudeyfa uu amray xiridda xafiisyada, kaddib markii ay shirkaddu bixin weydey lacag ay malleeshiyadu ku sheegtay Sako oo ay ku amartay inay bixiso.

Mas’uuliyiinta Dahabshiil ee Jubbada dhexe oo uu la xiriiray Warbaahinta ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan xiridda xafiisyadooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com