Top News: Qarax Shalay Galinki Dambe Ka Dhacay Magaalda Wajeer Ee Dalka Kenya.

0

Muqdisho, AGGM:-Al Shabaab ayaa faah faahin ka bixisay Qarax Qasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay Magaalada Wajeer ee Waqooyi Bari Dalka Kenya gelinkii dambe ee Shalay.

Ugu yaraan 1 Ruux ku dhintay, 6 kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka gadaal markii Kooxo hubeysan oo lagu sheegay Al Shabaab ay Qaraxyo ku weerareen Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.

Cali dheere, Afhayeenka Ururka Al Shabaab oo shir jaraa’id qabta kaa oo uga hadlay Weerarkii Xooganaa oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxuu ku soo hadal qaaday Qarax ka dhacay Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.

Waxuu Afhayeenka tilmaamay in hadii Kenya aysan Ciidameeda kala bixin Weerar dhiig badan ku dhaata in ay ku qaadi doonaan islamarkaana Qasaaraha Culus ay gaarsiin doonaan Shacabka Reer Kenya sida uu hadalka u yiri.

“Hadii aanay Muslimiin uma dulqaadan doono dhibaatada Kenya balse waxaa balan ah in Kenya ay ka ilmeyso jabka aan la damacsan nahay hadii Alla Idmo” sidaasi ayuu yiri.

Cali Dheere ayaa qeexay in Weerarkii Hindi iyo Gambe mid ka Xoog badan in ay ku qaadi doonaan Magaalada Caasimada ee dalka Kenya, Nairobi.

Sikastaba, hadalka Al Shabaab ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo Bishan Ramadaan ay Weerar kala duwan ay ka geysteen Magaalada Muqdisho iyo Degaano ka tirsan Dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com