Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha mareykanka Brack Obama oo qadka telephonka kula hadlay dhigiisa dalka Franca mr Hollande ayaa kahor kulanka madaxda wadamada qaarada Africa ay laqaadan doonaan madaxweyne brack obama sheegay in mareykanku uu taageero xaga amaanka ah siinayo wadamada qaarada africa.
“Dhamaan qaarada oo idil kasoo bilow Senegal iyo Somalia weynu caawineenaa oo aan tababareenaa ciidamadooda, xoojineenaana dhanka tababarada ciidamada wadanka Somalia si nabadgalyada ay usugaan “ ayuu yiri madaxweyne Obama.
Mareykanka waxaa Somalia kajooga ilaa 120 lataliyaal milatari oo salddhig kuleh muqdisho ,islamarkaana saraakiil mareykanka katirsan ay shaaciyeen dhawaan ilaa 2007 in ciidamo mareykan ah ay kusugnaayeen Somalia kuwa oo gacansiinaya Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM.
Shirka dhawaan kadhici doona wadanka mareykanka oo ay isku arki doonaan madaxweynayaasha wadamada qaarada Africa iyo madaxweyne Obama ayaa looga hadli doonaa Qataraha kooxaha argagixisada ee ay kamidyihiin ,Al-shabab,Boko Haram,iyo Alqaeda-da AQAB.
Madaxweynayaal dhowr ah oo ay kamidyihiin ,madaxweynaha Eritrea,madaxweynaha Zimbabwe Roberto Mugabe iyo madaxweynaha sudan Omar Hassan Al-bashiir ayaa lasheegay iney kamaqnaan doonaan kulankan uu madaxweyne obama laqaadanayo madaxda qaarada Africa islamarkaana looga hadlayo Amaanka qaarada Africa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com