World Cup:Maxaa Caawa Kala Haysto Argentina Vs Holland?

0

Muqdisho, AGGM:Waxa Caawa La Ciyaari doona Wareegi Ugu Dambeeyay ee Sem-Final Koobka Aduunka , Iyadoo Fooda Ay Isdari Doonan Xulalka Argentina Vs Holland oo Isku Soo Aaday , Argentina Ayaa caawa La Filayaa In Ay Kusoo Gasho Line-up Adag Madaama ay Ka Hor tageyso Xulka Adag ee Holland.

Holland ayaa Intii Ay Soo Ciyaartay Kulamadii Koobka Aduunka Ayaa waxa Ay Ka Heshay Guul , Halka Argentina ay Si Lamid Ah Soo Wada badisay Dhamaan Kulamadii Ay Ciyaartay , Argentina Ayaa La Filayaa inuu Taam u Ahaado Laacibkoda Garabka Uka Ciyaaro ee Angel Di Maria , Holland Ayaa Iyada Cidna Caawa Ka MAqneen.

Ciyaartan oo La Ciyaari Doono wakhti Geeska Africa Saacada Marka Ay tahay 23:00 Habeenimo Ayaa Waxa La Filayaa in ay Noqoto Ciyaar Xamaasad Leh Madaama Labada Xulba uu rabo inuu Guul Ka Gaaro Kulankan , Orange Team ayaa Waxa uu Kasoo Badiyay Xulka Spain Biloowgii Group-yada .

Laacibka Kooxda Barcelona Leonal Messi Ayaa Caawa indhaha Lagu Wada Hayaa Waxa uu Sameyo Madaama uu Hogaaminaayo Xulkiisa , halka Holland Caawa Indhaha Laku Haayo Van Persie Laacibka Kooxda reer england ee Manchester United.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com