War Deg Deg Ah:Wasiirka Amniga oo la magacaabay, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-Sugidda oo Xilalkii Laga Qaaday

0

Muqdisho, 09 July 2014, Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Duhulow, oo saakay warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka, isla markaana isbedel ku sameeyey Taliyeyaashii Booliishka iyo Nabadsugidda.

Wasiirka oo akhrinayey wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa xeeriyey in Khalif Axmed Ereg loo magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliyeed, isla markaasna xilalkii laga qaaday S/Guud Cabdixakim Dahir Saacid, Taliyahii Booliska iyo S/Gaas Bashir Maxamed Jaamac, Agaasimahii Hay’adda Nabad-Sugidda.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Maxamed Sheikh Ismaaciil ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliya, halka xilkii Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda uu si Ku Meel Gaar ah u sii heynayo Maxamed Cabdullahi Xaamud oo ah Agaasime Ku Xigeenka Hay’ada Nabad Sugidda.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda ay u mahadcelinayaan Taiyeyaashii Booliska iyo Nabad-Sugidda oo daruufo adag ku soo shaqeeyey, isla markaana howlo muhiim ah soo qabtay. Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa xeeriyey in Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-Sugidda ee Gobolka Banadir ay si toos ah u hoos tagayaan Guddoomiyaha Gobolka Banadir.

Wasiirka oo faahfaahin ka bixinayey falkii xalay lagu soo weerarey Madaxtooyada ayaa yiri “Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu isku qarxiyey albaabka Madaxtooyada, isla markaasna 3 ka mid ah argagaxisada ee falkan fuliyeyna la dilay, halka mid dhaawac ahna ciidanka ay gacanta ku hayaan. Dhanka Dowladda waxaa dhintay hal askari, halka ay labo askarina ay dhaawacmeen.”

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta 
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com