Top News: Dowladda Mareykanka oo cambaareesysay weerarkii xarunta madaxtooyada.

0

Muqdisho, AGGM:Dowladda Mareykanka ayaa si adag u cambaareysay weerarkii xalay lagu qaadday xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in ay garab taagan tahay dadaallada shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku doonyaan nabad dalka ka hirgasha.

War qoraal ah oo ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Jen Psaki ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas, oo mas’uuliyaddiisu ay sheegatay maleeshiyada Al-shabaab.

Psaki ayaa sheegtay in weerarrada noocan oo kale ah ee ku soo badanaya caasimadda iyo hanjabaadaha kooxda Al-Shabaab ay muujinayaan amni darrada Muqdisho.

Mareykanka ayaa ku celiyey in uu sii wadi doono taageerada uu siiyo laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM si loo ballaariyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com