Warbixin: Falaagada Al Shabaab Oo Dishay 6-dii Maalmood Ee La Soo Dhaafay Ku Dhawaad 35 Ruux.

0

Muqdisho, AGGM: Falaagada Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarrada iyo dilalka ay ka geesanayaan magaalada Muqdisho gaar ahaan bishan Barakaysan ee Ramadaan iyagoona ka jawaabaya hadal ka soo baxay madaxda dowladda kaasoo lagu sheegay barnaamij la baxay NABAD KU AFUR, iyadoo looga gun lahaa in shacabka Soomaaliyeed ay bishan Barakaysan Nabad Ku Afuraan.

Al Shabaab oo Jawaab ka bixinaya fariintaas kasoo yeertay Madaxda Dowladda ayaa waxa ay labo jibaareen weerarrada iyo qaraxyada ay ka geesanayaan magaalada Muqdisho.

Lixdii cisho ee la soo dhaafay bishan Barakaysan ee Ramadaan waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay ku dhawaad 32 qof oo u badan ciidamada dowladda Soomaaliya, taasoo ka dhigan in maalintii la dilaayay seddax qof ama wax ka badan.

Waxaa kaloo magaalada ka dhacay in ka badan 10 weerarr oo uu ugu dambeeyay kii shaley ka dhacay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca gobalada gaar ahaan goobaha dowladda ay ka arrimiso waxaa laga soo sheegay weerarro iyo dilal ay geesteen falaagada Al Shabaab, waxaa ka mid ah Afgooye waxay ku dileen labo nabadoon mid kalena waa ay dhaawaceen bishan Ramadaan kaliya, Qoryooleey madaafiic ay ku garaaceyn waxaa ku dhintay dad shacab ah, Kismaayo waxaa ka dhacay bishan Barakaysan ee Ramadaan seddax weerarr qaar ka mid ah waxaa lagu weerarray Horjoogeyaal ka tirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Falaagada Al-Shabaab ayaa weli waxay Warbaahinta ka lee yihiin (Faanoole Fari Kama Qodna) kuwa soo socda ayaa ka badan wax yeelada sidda uu sheegay afhayeenkooda Cali Dheere oo sheegay in weerarkii baarlamaanka ay ku dileen 32 askari oo labo ka mid ay yihiin AMISOM.

Isku soo wada duuboo Falaagada Al Shabaab waxay sheegeen in ay weerarkooda labo jibaari doonaan dowladdana waxa ay sheegtay in ammaanka Muqdisho aad loo xoojiyay balse ma jirto wax isbadal ah oo dhacay, waxaana dad badan ay lee yihiin waxaa jirra fashil xagga ammaanka oo la soo darsay dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com