Top News: Sagaal Askari Oo Ka Tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Oo Xalay Lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaaya in caawa lagu dhaawacay 9 ka mid ah Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, xilli ay hawlo shaqo ku guda jireen.

Ciidanka, ayaa waxaa qaraxyo bambaano oo is xig xigay lagula beegsaday Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, waxaana xigtay rasaas xoogan oo ay oodda ka qaadeen Ciidanku.

Niman dhalinyaro ahaa oo aan la aqoon waxa ay yihiin, ayaa Ciidanka Nabad Suggida si gaadmo leh bambaanooyinkaan ugula eegtay Isgoyska Towfiiq, iyadoona ay u suurga gashay inay baxsadaan.

Ciidamada Nabad Suggida ee qaraxyada lagu weeraray, ayaa waxaa la soo sheegayaa in maanta la geeyay Isgoyska Towfiiq, iyadoo weerarkaana uu noqonaayo noociisii ugu horeeyay oo lagu qaado.

Dhaawacyada askarta, ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la soo sheegayaa in Ciidanka qaarkood ay qabaan dhaawacyo culus.

Isla xalay, ayaa waxaa Ciidan kaloo lagu xoojinaayo kuwii hore la geeyay Isgoyska Towfiiq, si ay u xakameeyaan xaalad qal-qal ah oo caawa laga soo sheegaayo halkaasi.

Shalay, ayay ahayd markii askari ka tirsanaa Ciidanka Munishiibiyada lagu toogtay Suuqa Degmada Dharkiinley, xilli uu askarigaasi ku guda jiray hawlo canshuur uruurin ah.

Isku soo wada duuboo weerarada ay falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab la beegsanayaan Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay noqdeen kuwo sii kordhaya maalinba maalinta ka danbeysa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com