Top News: Dowladdaha Itoobiya Iyo Masar Oo Ku Heshiiyay Inay Wada Samaystaan Gudiga Wadajira Ah.

0

Muqdisho, AGGM: Xukuumadaha Addis Ababa iyo Qaahira ayaa ku heshiiyey in ay muddo 3 bilood gudahood ku samaystaan guddi wadajir ah oo xal u hela khilaafka ka dhashay biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile.

Gudigan oo shaqadiisa ugu weyn noqon doonto in la iskudubarido doodaha labada dhinac ka qabaan dhismaha biyo-xidheenka ayaa waxaa si wadajir ah ugu dhawaaqay wasaaradaha arrimaha dibada ee labada wadan.

Gudiga ayaa soo bandhigi doona qodobo 7 ah oo labada dal la rarbo in ay ku heshiiyaan.

Qodobada waxaa kamid ah in ay ixtiraamaan mabaadi’da wada hadalada iyo xeerka caalamka. Waxaa kale oo la islagartay in dib loo anbaqaado soo celinta guddi 3 geesood ah oo horey u jiray iyo tixgalinta xaqa Masar u leedahay adeegsiga biyaha Nile.

Go’aanka lagu dhisay gudiga wadajirka ah ayaa soo dhaweyn ka helay labada wadan oo horey isugu mari la’aa sidi loo soo afjari lahaa khilaafkooda.

Waxaa xusid mudan, in ra’isulwasaaraha Ethiopia iyo hogaamiyaha cusub ee Masar ay dhawaan yeesheen kullan lagu dardar galinayo qaboojinta xiisada ka dhalatay dhismaha biy-xidheenka Itoobiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com