Xog: Xildhibaano Wada Qorshe Magaalada Muqdisho Looga Dhigayo Magaalo Beel Gaar U Leedahay Si Caasimada Looga Wareejiyo.

0

Muqdisho (AGGM): Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, oo dhowr ah ayaa billaabay qorshe la doonayo in xildhibaanada beelaha Daarood ay uga baxaan magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.

Qorshahan, ayaa waxaa horboodaya Cabdrisaaq Jurille, waxaana ujeedkiisa uu yahay in beesha caalamka loo muujiyo in magaalada Muqdihso ay tahay magaalo beelaha Hawiye ay si gaar ah u lee yihiin, oo aysan dowladda ku shaqeyn karin.

Waxaa Jurille uu ku fakarayaa in taasi ay billaabi karto dood ku saabsan in caasimada Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Muqdisho loona raro magaalo kale, kadibna dowladda ay guurto.

Magaalooyinka uu ku taamayo waxaa ka mid ah Garooweio Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Jurille uu qorshahan billaabay kadib markii xildhibaanada beelaha Hawiye iyo wasiiradooda ay qaadaceen dowladda, taasi oo keentay in baarlamanka uu muddo ku dhow toddobaad kulmi la’ yahay.
Jurille ayaa sida la sheegay ka carrooday talaabada beelaha Hawiye, waxaana uu aaminsan yahay in dowladda aysan ku shaqeyn karin magaalo ay maamulaan beelaha Hawiye.

Qorshaha Jurille, ayaa waxaa diiday inta badan xildhibaanada beelaha Daarood, oo ku tilmaamay mid aan socon karin, waxaana lagu warramay in kuwa taageersan aysan ka badneyn 10. Jurille, ayaa weli wada dadaal uu taageero ugu raadinayo qorshahan.

Isku soo wada duuboo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta beelaha Hawiye ayaa sheegay in qorshaha Jurille ee ah in dowladda laga raro Muqdisho uu yahay mid farxad gelin lahaa, haddiiba taasi ay dhacdo, sababta oo ah dowladda oo wax aan culees ahayn ku hayn deegaanada beelaha Hawiye.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com