Top News: Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Goodax Bare Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

0

Muqdisho, AGGM:Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee Xukuumada Somaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa wuxuu goor dhow uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa waxa uu ka yimid dhinaca Magaalada Djibouti oo uu ku sugnaa maalmihii ugu dambeysay, waxayna hal diyaarad la wada socdeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dadweyne fara badan oo soo dhoween u sameyneysay Wasiirka Arrimaha Gudaha, oo loo diiday inay gudaha u galaan Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay ku sugan yihiin afaafka hore ee Garoonka Aadan Cadde.

Odayaasha Beelaha Hawiye, ayaa waxay horey u sii diyaariyeen dad loogu soo talla galay, inay Magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhoweeyaan C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaarada Federalka.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Xukuumada Mahad Maxamed Salaad iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, oo gudaha u galay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay ku soo dhoweeyeen Wasiirka.

Suxifiyiinta ku sugan Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay soo sheegayaan inaanu Wasiirku weli la hadlin Saxaafada, iyadoo ay daneynayaan in uu kula hadlo Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa wuxuu Arbacadii uu ka horyimid heshiiskii Magaalada Muqdisho, ay Maamulada Koonfur Galbeed ku kala saxiixdeen Villa Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com