Dhageyso: Jasiirada Kudhaa Oo La Duqeeyay, Al Shabaab Iyo AMISOM Oo Ka Hadlay Dagaalka iyo Duqeynta.

0

Muqdisho (AGGM):Afhayeenka Al-shabaab ee Dhanka Dagaalka u qaabilsan Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sheegay in Ciidam ada Al-shabaab iyo kuwa Kenya ay ku dagaalameen Jasiirada Gudhaa iyo Caanoole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Abuu Muscab ayaa sheegay in Dagaal Toos ah ay wada Galeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab islamarkaana ay Ga’doomiyeen Ciidamada Kenya,kadibna Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay u soo Gurmadeen oo Duqeeymo ay Geeysteen.

Waxaa uu sheegay Afhayeenka u hadlay Al-shabaab in halkaasi ay ku Dileen Ciidamo ka tirsan Kenya.

Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu Qoray Bogga Tiwetterka AMISOM lagu sheegay in ku dhawaad 100 Dagaal yahan oo Al-shabaab ah lagu Dilay Dagaalka iyo Duqeynta.

Isku soo wada duuboo sheegashada labada dhinac ee ay dirirtu ku dhexmartay Jasiirada Kudhaa ayaa waxaa illaa hadda jirin ilo wareedyo kale oo ka madax banaan oo xaqiijinaya dhimashada iyo dhawaaca labadan dhinac soo kala gaaray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com