CAIRO (AGGM): Maxkamad ku taal magaalada Qaahira ayaa 7-sano oo xarig ah ku xukuntayWariyeyaashii u shaqeynayay Al-Jazeera, kadib markii lagu eedeeyay inay taageerayaan ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka.
Wariyeyaashan oo lagu kala magacaabo Peter Greste, Mohamed Fahmy iyo Baher Mohamed ayaa lagu eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah iyo inay taageerayeen Ikhwaanul Muslimiinka, inkastoo eedeyntaas ay beeniyeen.
Peter Greste oo u dhashay Australia ayaa u shaqeynayay telefishinka Al-Jazeera qeybta English-ka, waxaa uu horay uga shaqeyn jiray BBC.
Sidoo kale Maxkamada ayaa waxay iyagoo maqan ku xukuntay xabsi 10-sano ah sagaal ruux oo ay ku jiraan saddex wariye Ajnabi ah.
Nin la dhashay wariye Peter Greste oo lagu magacaabo Andrew Greste ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xukunka ay riday Maxkamada.
Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda Masar inay caburineyso saxaafada madax banaan, iyadoo dowladda uu hogaaminayo Alsisi saxaafada ay af qabaneyso, tan iyo markii ay xukunka ka riday Maxamed Mursi.
Maxkamad ku taal Qaahira ayaa horay xukuno dil iyo xabsi ugu xukuntay mas’uuliyiintii ugu sareysay ee Ikhwaanul Muslimiin oo lagu helay dambiyo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com