Top News: Dowaldda Mareykanka Oo Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Safaaradooda Kala Baxaya Dalka Kenya.

0

Nairobi (AGGM):War ka soo baxay wasaarrada arrimaha dibada dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha Mareykanka ee ka
howlgala  safaarada Kenya kala bixin doonaan halkaa, kadib weerarada ka dhaca dalkaas.

Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sidoo kale mar kale uga digtey Muwaadiniinteeda in ay u safraan dalka Kenya, iyadoo tixraaceysa weerarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Mpeketoni ee Jasiirada Lamu ee dalka Kenya.

Dowladda Maraykanka waxa ay uga digtey Muwaadiniinteeda in ay tagaan dhamaanba xeebaha dalka Kenya, gaar ahaana Mombasa, Kwale, Kilifi, Lamu, iyo qeyb ahaan xeebaha gobolka Tana River.

Isbedeladii xaga amaanka ee dhawaan ka dhacay Kenya, ayaa waxa ay wasaaradu sheegtey in qaar ka mida shaqaaleheeda ay usoo rareyso wadamo kale, balse waxa ay xustey in ay safaaradeedu sii wadi doonto shaqadeedii caadiga aheyd ee Kenya ka haysay.

Wasaaradu waxa ay xustey in dowlada Mareykanka ay wali heleyso xogo culus oo ku saabsan weerarro argagaixso oo lala eegto danaha Mareykanka iyo reer galbeedka ee Kenya, oo ay ku jirto magaalada Nairobi iyo hareereheeda.

Isku soo wada duuboo Warka ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan xoogag ka tirsan Al -shabaab ayWeerar Xoogan ku qaadeen Magaalada Mpeketoni halkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 60 Ruux inkastoo Madaxweynaha Kenya sheegay in aysan fulin Ururka Al shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com