Muqdisho (AGGM):Wararka naga soo gaaraya caawa magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyada Al Shabaab uu Caawa dagaal Culus ku dhexmaray Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa waxuu ka dambeeyay ka gadaal markii Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Weerar Xoogan ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Xaafada Suuqa Xoolaha.
Waxaa Caawa Xaafado ka tirsan Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa laga maqlayaa daryanka Madaafiicda iyo Hubka Culus ay isku ridayaan labada dhinac Iyadoona uu jiro khasaaro kala duwan inkastoo aan wali la cayimin.
Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya markii hore ay ku soo weerareen Madaafiic Iyadoona Weerarka Madaafiicda kadib uu isku badalay Dagaal Fool ka fool ah.
Xaalada ayaa kacsan waxaana la maqlayaa wali Rasaas Culus inkastoo aan la xaqiijin Karin khasaaraha soo kala gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com