Top News: Dableey Weerar Ku Qaaday Magaalada Gaarisa.

0

Gaarisa (AGGM):Sida ay ku soo waramayaan Goobjoogeyaal ku sugan gudaha magaalda Gaarisa Ugu yaraan labo Ruux ayaa dhintay, tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib Weerar Culus oo lagu qaaday Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Kooxo hubeysan ayaa labo Ruux oo ka soo baxay Masjid waxaa ay ku Dileen Magaalada Gaarisa Iyadoona sidoo kale Weerarkaasi lagu dhaawacay tiro kale oo wali aan la cayimin.

Labada Ruux ee lagu Dilay Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa lagu tilmaamay in ay ka mid ahaayeen Dadka Degaanka waxaana Weerarkaasi lagu eedeeyay Ururka Al Shabaab.

Mid ka mid ah Labada Ruux ee la Dilay ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa Nin la dhashay Sheekh Caan ka ah Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Ilaa iyo hada marka laga reebo ku eedeeynta Al Shabaab lama oga Kooxda sida rasmiga ah ugu dambeysa Weerarka lagu Dilay Labadan Ruux oo ka mid ahaa Shacabka Reer Gaarisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com