Xasan Cumar Aadan, 24 jir kana soo jeeda dadka Soomaalidu u taqaan (reer xamar) ahaana hogaamiye Alshabab dhinaca amniyaadka iyo qaraxyada, wuxuuna ku lug lahaa qaraxii iyo wareeradii ka dhacay madaxtooyada iyo baarlmaanka dowlada federalka.
Laguna soo qabtay howl gal ay ka sameyeen ciidamada Hayadda nabad sugida Soomaaliyeed xaafada Yaaqshiid 8/6/2014.
Xasan waxa ladiley ka hor inta aan lasoo gaarsiin xarumaha hayadda nabad sugida, Su’aashu waxa ay tahay maxa loogu degdegay dilka Xasan Cumar.
Kadib markii muda dheer ay daba socotay Hay’adda Nabad Sugidu dhaqdahqaaqa sarkaalkaan Al-shabab Xasan Cumar ayaa waxa loogu dhacay guri uu habeenkaas jiifsanayey.
Waxa lageyey xarun qaas ah oo Hay’addu leedahay oo loo yaqaan (barta5) waxana lagu bilaabay wareeysi iyo garaacis badan kadib waxa la weydiyey cida kula jirtay howshaan oo kala qayb qaadatay sidaan ayuuna u hadlay.
“ aniga shaqadaan waxa igala qayb qaatay dad badan, waxana ka mid ah saraakiil sar sare oo hayaddiina ka mid ah.” sheeg magacyadooda maxaadse ku cadeyneysaa?
“Janaraal Khaliif Arak ii waca kahor inta aadan macyada I waaydiinin” sheeg magacyada dadka kula sheqeeya Janaraal Khaliif anagu magaraneynee.
“1- Shiikh Cusmaan Cosoble (Khiikh 20).
2- Cabdulqaadir Hiraabe (Cadaawe)
3- Cabdiraxmaan Xasan Celmi (Cowle)
4- Janaraal Khaliif Arak,
5- Muuse (Muuse Keli)
6- Cabdidheere
Hadaba maxay yihiin shaqsiyaadkaan uu naftiisa ku waayey magacyadooda sarkaalka ka tirsanaa Al Shabaab.
Shiikh 20 Hada waa madaxa hogaanka saadka, markiisii horena ka mid ahaa jiray midawgii maxaakiimta islaamka kuna taqasusay miinada.
Cadaawe, Hada waa madaxa hogaanka amniga baarlamaanka horena uga tirsanaa jiray TFGP.
Cabdiraxmaan Cowle, hada waa madaxa Madaarka Aadan Cade international ee hayadda nabad sugida, horena u ahaa jiray ku xigeenka taliyaha gobolka banaadir.
Janaraal Khaliif Ereg, hada waa qofka ugu awooda badan hayadda Nabad sugida marka laga reebo Janaraal Bashiir Goobe, horena wuxuu u ahaa jiray ku xigeenka gobolka banaadir waqtigii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Cabdiraxmaan Dheere, Hadda waa madaxa ciidamada Ruuxaanta, ciidamada Ruuxaanata waa ciidamo si gaar ah ugu xiran kooxda Damul-Jadiid badankoodna waxay horey usoo ahaayeen dagaalyahano ka tirsanaa ururka Al Shabaab.
Muuse Keli, Hadda waa madaxa Hogaanka Baarista ee Hay’adda Nabad Sugidda.
Xasan wuxuu ka sheegey qaabka ay u wada shaqayaan saraakiisha dowlada iyo wax yaabaha u qab soomay, iyo qaabka iskugu xiran yihiin.
“Aniga waa la igu soo xiray ee markii hore ma aanan garaneynin mana garanayo wajiyadooda hadii aan arko intooda badan saraakiishaan.
Waxa ka waji aqaanaa Cabdidheere, Muuse Keli iyo Shiikh 20, oo aan dagaalkii Itoobiya wada shaqaynay ilaa iyo markaasna waan wada shaqayneyney, muusena Cabdidheere ayaa dhowr mar iigu geeyey xarunta baarista oo aan kusoo booqanayey saaxiibadey meesha ku xiran waqti badan marar kalena telefoonka ayaan kula hadlay muuse.
Cadaawe waxaa garanayey Xersi gurey oo hogaaminayey howl galkii baarlamaanka halkaasna ku shahiidey.
Isaga ayaana dhowr jeer ila xariir siiyey, Janaraal Khaliif wax badan ayuu shaqo noo fududeyey marar dad muhiim ah nalaka qabtayna wuu noosiidayey.
Qaarkood lacag badan ayaan ku binay, Cowle sidaas oo kale wax baadan ayuu noo fududeyey, waxaana ka mid ahaa sanadkii hore ayaa Janaraal Khaliif noosoo diray maalin gaari caasiya oo qalab badan noo sidey booliisku nooga qabsadeen isgooyska Bakaaraha.
Hadane hadii aad ii wacdid waxan aaminsanahay in aanan dhibkaan mareen ee fadlan ii wac. Shiikh 20 wuxuu naga saacidey wax yaaba badan sida werarkii madax tooyada, wuxuu dhowr mar meesha geyey abu xudeyfa oo hogaaminayay howshaas.
Cabdidheere wuxuu noosoo gudbiyey ciidanka madax tooyada weraray waxana isticmaalnaa xarumahiisa iyo gaadiidkiisa ciidamadiisana aad ayey noola shaqayaan sijoogta ah.
” Maxaad ku cadeyneysaa sheegashadaan maxaadse ka faa’iideysaa been abuurkaan?
Sarkaalkii nabad siguda waxaa soo wacay janaral khaliif una sheegay in uu soo dhiibo maxbuuskaas ciidmada kadibna sidaas ayaa lagu dilay Xasan Cumar, sarkaalkii nabad sugiduna uu ka cabsaday in uu sheekadii u sheego madaxdiisa.
Hadaba waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in badan isweydiiyeen sababta gungaar ama baaris rasmiya loogu sameyn waayey werarada ka dhaca magaalada Xamar qaas ahaan kuwii ka dhacay Madax-tooyada, Baarlamaanka iyo Maxkamada sare.
Sida aad lasocotaan weli kama soo bixin dowlada war saxaafadeed looga qancinayo bulshada Soomaaliyeed sida wax u dheceen, cida ka dambeysay, talaabada dowladu ka qaaday iwm.
FG: Xogtan waxaa Allgalgaduud Media soo gaarsiiyay Ilo wareed lagu kalsoon yahay islamarkaana goobjoog u ahaa dhacdooyinkan, Xaalada ammnigiisa awgeed ayaynaana u shaacinayn magaciisa.
Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com