Top News: Dowladda Mareykanka oo Cambaareeyay Weerarkii Ay Argagixisadu Ka Geysteen Mpeketoni.

0

Muqdisho (AGGM):Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay weerarkii kooxda Alshabaab ay habeennimadii Axadda ku qaaday deegaanka Mpeketoni ee magaalada Lamu ee dalka Kenya oo ay ku dhinteen inkabadan 48 qof.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay inaan la aqbali Karin werraradan oo kale.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in warbixin Isniintii ay soo saartay kooxda Alshabaab ay ku sheegtay in weerarku uu ahaa mid ay ugu aargudayeen wadaaddada muslimiinta ah ee lagu dilay magaalada Mombasa iyo dhibaatooyinka ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya.

Warbixinta ay soo saartay Alshabaab ayaa lagu sheegay in Kenya ay imika noqotay aag dagaal, iyadoo ugu digtay dalxiisayaasha inay yimaadaan dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com