Dhageyso: Wafdi Kasocda Dowladda Oo Markii Labaad Booqanaya Magaalada Marka.

0

Marka (AGGM):Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose, waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka tagay
Magaalada Muqdisho.

Wafdiga tagay Magaalada Marka, waxaa horkacaya Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ahna Siihayaha Xilka Wasiirka amniga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyadoo ay la socdeen xubno ka tirsan Dowladda.

Wafdiga markii ay tageen Magaalada Marka, waxa ay la kulmeen Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ay kala hadleen arimaha ammaanka Marka.

Maamulka Magaalada Marka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wafdiga ay joogaan Magaalada Marka.

Ujeedada wafdigaan ayaa waxa ay tahay dhameynta Xiisada ka taagan Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo waayahan dambe ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com