Saddex Qof Oo Lagu Dilay Meel U Dhow Deegaanka Balanballe Kadib Markii Wadada Loo Galay.

0

Balanballe (AGGM):Saddex qof ayaa dhimatay hal kalena wuu dhaawacmay, kadib markii xalay maleeshiyo ay waddada u gashay wafdi ka qeybgalayay xal u raadinta dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah saddexda dhimatay ayaa ka tirsanaa maleeshiyada, kaasoo geeriyooday kadib markii ay iska caabbin sameeyeen ciidan la socday wafdiga.

Wafdiga ayaa marayay tuulada Labi Aw -Cali oo 10 Km dhinaca waqooyi kaga beegan deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha maamulka dowladda ee Balanballe Hareeri Xasan Barre ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay dhibatooyinka kajira gobolka, isagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay maamulka kala shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanno ku yaalla dhulka miyiga ah ee degmada Guri-ceel iyo degmada  Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com