Bu’aale (AGGM): Maleeshiyo ka tirsan falaagada Al Shabaab ayaa maanta in ka badan 60 haween ah ku xirtay magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe.
Goobjoogeyaal ku sugan degmada Bu’aale ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ay maleeshiyadu degmada ka fulisay howlgal ka dhan ah haweenka, kaas oo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in saakay ay arkeen maleeshiyada Al-Shabaab oo haweenka ka ugaarsanaya suuqyada iyo xaafadaha Bu’aale.
Haweenka la qabtay ayaa lagu xiray saldhigyo ay falaagada Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com