Kismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta maleeshiyaad ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay iskuulka Guulwade ee ku yaal xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo ka wateen 5 wiil oo arday ka ahaa iskuuulkaas.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in 5-tan wiil ee caruurta ah dhamaantood ay ka soo jeedaan Beesha Sade.
Ilaa hadda lama garanayo sababta keentay in maleeshiyada Raaskambooni ay ka wataan caruurtan Iskuulki ay dhiganayeen, waxaa sidoo kale la garaneynin halka lala aaday 5-tan wiil ee ardayda ka ahaa Iskuulka Guulwade.
Walidiinta caruurtan dhashay ayaa isku dayay inay xirir la sameeyaan horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni balse ilaa hadda waxba kama soo naasa cada maadama ay sheegeen in aysanba iska war heeyn horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo maleeshiyaadkooda.
Isku soo wada duuboo ma ay ahan marki ugu horeeysay ee ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni beegsadaan caruuraha iskuulada dhigta iyo haweenka, waxaana dadka ku sugan magaalada Kismaayo ay sheegeen waxa ka socda magaaladaasi inay yihiin ISIR gooyn balse waxay hoosta ka xariiqeen in shalaayto ay u dambeeyn doonto horjoogeyaasha iyo maleeshiyadkooda baneestay dhiiga maxaasta.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com