War Deg Deg Ah: Dr. Axmed Faarax Ducaale Oo Ka Dagay (Arlanda International Airport) Stockholm Sweden.

0

Stockholm (AGGM):Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxa ay sheegayaan in Dr. Axmed Faarax Ducaale oo ka dagay (Arlanda International Airport) Stockholm ee dalka Sweden.

Dr. Axmed Faarax Ducaale ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay Jaaliyada Galguduud Iyo Jubbooyinka  markuu ka dagay garoonka diyaaradaha Arlanda International Airport .

Booqashada Dr. Axmed Faarax Ducaale ee Stockholm caasimada dalka Sweden ayaa waxa uu yimi ka dib markii uu  martiqaad ka helay dowladda Sweden si uu uga qeeyb galo shirka loogu magac daray (Somali Business Opportunities) oo beri ka furmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Isku soo wada duuboo Dr. Axmed Faarax Ducaale ayaa ka dib shirka (Somali Business Opportunities)  waxa uu  kulamo la qaaadan doonaa Jaaliyada Galguduud Iyo Jubbooyinka ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com