Dhageyso:Dowladda Soomaaliya Oo Loogu Baaqay Inay Xilalka Ka Qaado Gudoomiyeyaasha Marka, Nambar 50 Iyo Shalaanbood.

0

Muqdisho (AGGM):Gudoomiye Xigeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ee Dhinaca Amniga Axmed Cumar Mudane oo la hadlayey Idaacada Kulmiye Asgoo Arrimo Caafimaad u jooga Dalka Swendan ayaa ka hadlay Dagaal Beeleedyo ku soo laab laabtay Gobolka Shabellaha Hoose.

Axmed Cumar Mudane ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in dadka Shacab ah oo aan waxba galabsan si xaqdaro ah loo dilo ayagoo Difaacaya Qabiil ay Geeriyoodaan.

Gudoomiye Xigeenka Dhinaca Amaanka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Axmed Cumar Mudane ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayb in Xilalka laga Qaado Gudoomiyaasha Shalaanbood,Marka iyo Namber 50 oo uu sheegay in Colaada Gobolka ay Hurinayaan.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayuu sheegay in uu Wado dadaalo lagu Xalinayo Xiisada iyo Colaadaha ku soo laab laabtay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com