Dhageyso: Col. Xuseen Deerow Ismaaciil ” Mushaarki Ciidamada Dowladda Ee Gobolka Gedo Oo 6 Bilood Ahaa Waa La Leexsaday”. Yaa Leexsaday?

0

Garbahaarey (AGGM):Saraakiisha horkaceysa ciidamada meletariga dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay inay ka cabanayaan dhaqaalihii loogu talo galay ciidamada dowlada ee gobolkaasi oo la leexsaday.

Xuseen Deerow Ismaaciil oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhaqaalaha ciidamadasi uu leexsaday sarkaal loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada, sida uu hadalka u dhigay.

Korneyl Xuseen ayaa sidoo sheegay in taliyaha cusub loo soo dhiibayay mushaarka ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo, laakiin taliyaha uu sameeyay kala qeybinta ciidamada ku sugan gobolka, sida uu sheegay.

Wuxuu cadeeyay in muddo lix bilood aysan helin wax mushaaraad ah laakiin dowlada Soomaaliya ay bixineysay dhaqaalaha loogu talo galay in mushaar ahaan ay u qaataan ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolkaasi ku sugan.

Wuxuu Korneyl Xuseen Deerow uu ka dalbaday wasaarada gaashaandhiga iyo arimaha gudaha ay arintaasi wax ka qabtaan, isagoo sheegay inay dhalin karo xiisad saameysa shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com