Biyo La’aan Baahsan Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanka Jiracle Ee Gobolka Gedo.

0

Balad Xaawo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay biyo la’aan baahsan ka jirto tuulada Jiracle oo 12 km u
jirto degmada Balad Xaawo.

Faarax Yuusuf Cabdi oo ka mid ah dadka ku nool tuuladaas oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay dumeen labo ceel oo dadka tuulada ay biyaha ka cabi jireen, haatanna y biyaha u raadsadaan meel 10 km u jirta.

Faarax ayaa tilmaamay in tuulada ay ka jirto abaar xooggan, isagoo xusay in weli tuulada aanu ka da’in roobka xilliga Gu’ga.

Wuxuu ka codsaday hay’adaha samafalka iyo ganacsatada gobolka Gedo in ay ka caawiyaan dhisidda ceelashii tuuladaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com