Muqdisho (AGGM): Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta u amba baxay dalka Uganda kaddib markii casuumaad uu ka helay dhigisa dalkaasi.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la filaya inuu Kulamo la qaato Madaxda Dalkaasi ayna kawada hadli doonaan xiriirka labada dhinac.
Gudoomiyha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdiga uu hogaamiyo ayaa socdaalka ay ku tegayaan waxa uu qeyb ka yahay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan u dhexeeya, iyadoo inta uu ku sugan yahay dalka Uganda uu la kulmi dooni guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda Rebecca Alitwala Kadaga iyo Madaxda kale ee dalkaasi.
Wafdiga guddoomiyaha Baarlamaanka ee u amba baxay dalka Uganda waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com