Marka (AGGM): Horjooge C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa Xalay ku hooyday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose
C/wali Sheekh Maxamed ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaal, Waxgarad iyo Xubno ka tirsan Maamulka Magaalada Marka kuwaasi oo ka wada hadlay Amaanka Magaalada iyo guud ahaan Gobolka Sh.Hoose.
Safarkan Horjooge Cabdiweli Sheekh oo aan hore loo shaacin ee uu ku tagay Marka ayaa waxaa lagu tilmaamay u kuur galida Xaalada Bini’aadanimo iyo mida amaan ee ka taagan Degaano iyo Demooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Odayaasha qaarkood ayaa dhaliil u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya waxaana Dhaliilahaasi ka mid ahaa ,in Xukumadda Soomaaliya aysan wax ka Qaban Falal amaandaro oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose iyo Dagaal Beeleedyo Degmada Deegaano hoos yimaada ka dhacay.
Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu booqdo degmada Qoryooley ka dibna dib ugu soo laabto Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com