Muqdisho (AGGM): Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa maanta oo Khamiis ah loo gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Mooshinka waxaa saxiixay in ka badan 135 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada ayaa ka dalbanaya madaxweyne XasanSheekh inuu is-casilo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay gudashada lixdii ajande siyaasadeed ee uu ballan-qaaday hirgelintooda markii uu xafiiska qabtay.
Lixda ajande siyaasadeed ayaa kala ah wax ka qabashada arrimaha siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha, maamul wanaagga, horumarinta bulshada iyo dib u heshiisiinta.
Isku soo wada duuboo waa mooshinkiii ugu horreeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh looga dalbanayo inuu codka kalsoonida waydiisto baarlamaanka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com