Dhageyso: Siyaasiga Cabdi Xaashi Cabdisalaan”Madaxda Dalka Ee Axmed Madoobe U Sixiixay Gumaadka Dadka Kismaayo Lagu Hayo Taariikhda Ayaa La Xisaabtami Doonta”

0

Kismaayo(AGGM): Siyaasiga Cabdi Xaashi Cabdisalaan oo kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbooyinka ayaa walaac ka muujiyey xaalada amaan ee magaalada Kismaayo, isagoo dawlada Soomaaliya ku eedeeyay wax ka qabasho la’aanta xasuuqa iyo gumaadka umadda magaaladaas degan lagu hayo.

Siyaasigan ayaa sheegay in nabadoonada Kismaayo ku sugan lagu hayo cagojugleen iyo handadaad joogto ah, iyadoo lagu laynayo magaca qabiil. Siyaasiga ayaa sheegay in Kismaayo ay hastaan qabiil oo dadka kale ee qabiilada ku magacaaban ay yihiin magac u yaal.

Siyaasigan wuxuu ugu baaqay in xildhibaanada goboladaas ka jeeda loo baahanyahay in arrimahaas ay ka hadlaan, oo aysan lacago qaadanin xilli dadkooda lagu xasuuq waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan ka dhageyso wareysigaas xiisaha badan ee Siyaasiga Cabdi Xaashi Cabdisalaan