Hay’adda Mama Casha Foundation Oo Qoysas Raashin Iyo Biyo Ugu Qeybisay Galgaduud.

0

Dhuusamareeb (AGGM):Hay’adda maxalliga ah ee Mama Casha Foundation ayaa maanta deeq raashin iyo biyo ah gaarsiisay dadka ku nool tuulada Tagaabeeye oo 15 km dhanka bari ka xigta degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Labo booyadood oo biyo ah, bariis iyo saliid ayaa la gaarsiiyay dadkaas oo u badan qoysas danyar ah.

Hay’adda ayaa qoyskiiba siisay 25 kg oo bariis ah iyo saddex liitar oo saliid ah, iyadoo labo barkadoodna loogu shubay biyo si ay uga cabbaan.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb ee maamulka dowladda Soomaaliya Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in deeqdaas ay ka faa’iideysteen 20 qoys.

Qaar ka tirsan dadka deeqda la gaarsiiyay ayaa u mahadceliyay hay’adda, iyagoo ka codsaday hay’adaha kale in ay kaalmo u fudiyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com