Congress-ka Mareykanka oo soo dhaweeyay sharciga xawaalladaha.

0

Washington DC (AGGM): Congress-ka Maraykanka ayaa meel mariyay sharciga horumarinta xawaaladdaha, oo la sheegay ay tahay mid sahli doono dadka cusub ee Maraykanka in ay lacago u diraan eheladooda dibedda joogta.

Dalka Mareykanka oo ka mid ah dalalka ay Soomaalida ku badanyihiin ayaa dhib badan waxaa uu ka heystay dirada lacagaha oo an la sharciyeen dadka cusub inay dibadda wax u diran,balse xilligaan Congress-ka Maraykanka ayaa ansixiyey sharciga xawaaladdaha.

Sharcigan cusub ayaa noqon doona mid la martsiiyo aqalka Senate-ka, si ay u meel-mariyaan, waxaana haddii ay meel mariyaan saxiixi doona madaxweyne Barack Obama.

Muhiimada uu sharcigan Soomaalida u leeyahay waxaa lugu sheegay inay tahay mid u khafiifinaya shuruucda lagu maamullo shirkaddaha xawaaladdaha, wuxuuna horseedi donaa in bangiyada Maraykanka ay dib u bilaabaan addeegii ay joojiyeen ee ay siin jireen shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Mallaayin doollar ayaa la sheegay sannad walba dadka ku nool gudaha Soomaaliya inay ka helaan eheladooda ku nool dibadda,waxaana jirta dadka dibadda ku nool caqabado inay kaga yimaadan dirista lacagaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com