War Deg Deg Ah: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Caawa Nin Taksiile Ah Ku Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya iminka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in gudaha magaaldaasi ay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ku dileen nin taksiile ahaa.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ninkan uu heeyb ahaan ka soo jeedo beesha Majeerteen ee wax ka dagta magaalada Kismaayo.

Waa dilkii labaad ee qof rayid ah ay u geesanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ka dhaca gudaha magaalada Kismaayo 24 saac gudahood, ka dib marki ay xalay ku dileen gudaha magaaladaasi nin ganacsade ahaa.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya mid ka mid ahaa maleeshiyada Raaskambooni in isna lagu dilay Caawa fiidki hore Xaafada Calanleey gaar ahaan nawaaxiga halka layiraahdo Umbulutooriya, dilkiisana waxaa lagu tuhmayaa isla maleeshiyo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo waxaa sinaba loo qarin karin dilalka sida bareerka ah ay u geesanayaan maleeshiyada ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo horjooge Axmed Madoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com