Dowladda Mareykanka Oo Dowladda Soomaaliya Ugu Hambalyeesay Hirgelinta Xarumo Lagu Keydiyo Hubka.

0

Muqdisho (AGGM):Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu hambaliyeysay hirgelinta laba xarumood oo loogu talagalay keydka iyo dayactirka hubka oo dhowaan laga sameeyay xarunta gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa sheegay in mashruuca oo ay qarash-gareyneyso dowladdiisa uu qeyb ka yahay qorshe la doonayo in siddeed xarumood oo keyd hub ah looga hirgeliyo caasimadda.

Mashruuca waxaa gacanta ku heysa koox lagu magacaabo MAG oo dhiseysa xarumaha keydka hubka, waxaana la rajeynayaa in lixda keyd ee kale lagu hirgeliyo saddexda illaa lixda bilood ee soo aaddan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Mareykanka ee Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya ma lahayn xarun lagu keydiyo hubka oo si casri ah loo dhisy, waxaana in muddo ahba ay beesha caalamka walaac ka muujinaysay in hubka dowladda ay gasho gacan aan loogu talagalin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com