Dhageyso: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xalay Ganacsade Ku Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada magaaladaasi.

Dilka ayaa waxa geystay maleeshiyo beeledka Raaskambooni ee uu hogaamiyo horjooge Axmed Madoobe sida ay dad lagu kalsoon yahay usheegeen Warbaahinta waxaana ay ahaayeen labo Askari oo qoryaha AK 47-ka ku hubeysnaa kadib dilkana ay ka baxsadeen.

Dilka Ganacsadahan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Via Afmadoow waxaana la dilay ganacsade Jaad iibin jiray,waxaana dilkaan uu qeyb ka yahay beegsiga lagu hayo dadka rayidka ah ee Kismaayo ku dhaqan.

Isku soo wada duuboo dilalka qorsheesan ee ay geesanayaan maleeshiyo beeledka Raaskambooni ee uu hogaamiyo horjooge Axmed Madoobe ayaa ahayn wax ku cusub dadka shacabka ah ee reer Kismaayo balse waxa ay noqotay mi ka mid ah nolol maalmeedkooda caadiga ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com