Balad Xaawo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Balad Xaawo ayaa waxa ay sheegayana in magaalada Hadda ay ka bilaabatay xabad teel teel ah oo u dhexeeysa ciidamada maamulka degmada Balad Xaawo iyo maleeshiyo laga soo abaabulay degmada Doolow oo gacan saar la leh maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in iminka ay xabada teel teelka ah ay ka socoto inta u dhexeeysa xarunta degmada iyo saldhiga booliska ee magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
Waxaa istaagay gabi ahaan isu socodka dadka rayidka ah iyo ganacsigi ka socday magaaalada Balad Xaawo waxaana haawanaya dhamaan wadooyinka magalaadaasi.
Dagaalka sokeeye ee maanta ka curtay magaalada Balad Xaawo ayaa waxaa soo abaabulay Horjooge Cabdiweli Sheekh Axmed iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, qorshaha dagaalkan sokeeye ee gobolka Gedo ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay in laga hortago in aan loo xoreeyn deegaanada gobolka Gedo ay uga hareen maleeshiyaadka Al Shabaab iyo si ciidamada xoreeya deegaandaas aysan ugu gudbin deegaanada kale ee Jubbooyinka.
Isku soo wada duuboo Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxaya saraakiisha labada dhinacyada ee ku diriraya magaalada Balad Xaawo amaba sheegaya qasaaraha biloowga dagaalka sokeeye ee gobolka Gedo.
Waxii ka soo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com