Dhageyso: Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Yuusuf Macalin Baadiyow ”Maamulka Kismaayo Wuu Ka Dhaga Adeegayaa Soo Wareejinta Dekada Iyo Aariboorta Kismaayo”

0

Muqdisho (AGGM): Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumada Soomaaliya Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) ayaa sheegay in maamulka Kismaayo ay wali ka dhaga adeegayaan soo wareejinta dekada iyo aariboorka Kismaayo kaasoo horey loogu heshiiyey in laga wareejiyo gacanta Axmed Madoobe iyo maleeshiyada ku heybta ah.

Yuusuf Macalin Amiin Baadiyow aya shuruud ku xiray qalab uu sheegay in ay geyn lahaayeen Kismaayo si dekada loogu horumariyo.

Wasiirka ayaa sheegay in wali heshiiskaas uusan waxba ka suurtagelin taasoo uu tilmaamay inay ka timid dhinaca Kismaayo.

Halkaan hoose ka dhageyso Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumada Soomaaliya Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com