Dhageyso: Cabdirashiid Janan (Indho Koray) “Maamulka Jubbaland Ayay Diidan Yihiin Maamulka Iyo Ciidamada Balad Xaawo”.

0

Doolow (AGGM): Gudoomiyihii hore ee degmada Dooloow C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) hadana ka imid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba gobolka Gedo laguna eedeeyey inuu ciidankii maanta weeraray B/xaawo isaga ka amar qaataan ayaa sheegay in xaaladu ay ka dhigayaan mid deggan.

Afkiisa ayuu ku qirtay inuu yahay Horjooge katirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe isagoo cod dheer-na ku sheegay inuusan Gudoomiyaha gobolka Gedo u aqoonsaneyn Maxamed Cabdi Kaliil.

Waxaa kale sidoo kale uu sheegay Ciidanka maanta weeraray Buula Xaawo ay hoostagaan isaga, islamarkaana waxuu sheegay inay jecel yihiin xal nabadeed in lagu dhameeyo xiisada taagana la joojiyo dhankoodana ay ballan qaadayaan arintaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com