Buurdhuubo(AGGM): Wararka naga soo gaaray Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay Qarax Miino loo dhigay Gaari uu watay Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo.
Waxaa la sheegay in Qaraxa uu Geeystay ugu Yaraan Dhaawac 6 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaana sidoo kale Ciidamada Dowladda Saaka ay Fuliyeen Baaritaano Dad lagu soo qab qabtay,waxaana Ciidamadu ay qabteen ugu yaraan Shan Ruux oo Falkaasi lala Xariirinayo.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Gudoomiyaha
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com