Muqdisho (AGGM): Waxaa isa soo taraya kacdoonka ka dhanka ah hab dhaqanka iyo sida ay dowladda Kenya ugu xad gudbeeyso dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya looga fadhiyo in gabi ahaanba xiriirka ay u jarto Dowlada KENYA isla markaana ciqaab la marsiiyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ka dib markii Kenya Qusul ay u soo Magacowday Magaalada Kismaayo.
Xildhibaan Maxamuud Cabdi Xayd ayaa dhinaca kale sheegay mid aan loo dul-qaadin karin isla markaana Kismaayo ay tahay gobal ka mid ah dalka Soomaaliya arrintaasina ay ifinayso wajiyo kale oo siyaasadeed oo Kenya ay ka damacsan tahay Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo Maalin ka hor waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi uu hoggaaminayay safiirka UK ee Soomaaliya oo la sheegay inuu la socday Sarkaal sare oo dowladda Kenya ay u soo magacawday Jubbooyinka ee noqonaya Qunsulka Kismaayo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com