Muqdisho (AGGM):Siyaasiga Xuseen Bood oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa dawlada Kenya ku eedeyay inay faragelin toos ah ku haysto madaxbanaanida Soomaaliya kaddib markii ay shalay u soo magacaawday nin qunsul halkaas uga noqda.
“Adeer ma aqbalayno, ma ahan mid aanu yeelanayno nin shalay uu qaabilay hebel Madoobe”
Siyaasiga Xuseen Bood ayaaa sheegay in Kenya ay doonayso in xoog ku qaadato dhulka Soomaaliyeed gaar ahaan iyadoo ku shaqeysanayso calooshood u shaqeysayaal uu kamid yahay Axmed Madoobe.
Bulsha weynta jubbooyinka ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Kenya in dhibaato ay ka wadaan Ciidamadeeda Gobollada Jubbooyinka ayna u xagliyaan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni. Iyadoo maalin walba magaalada Kismaayo ay dhacaan xadgudubyo ka dhan ah dadka rayid ah.
Maankeey Aalloos
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com