Dhageyso: Prof Axmed Mumin Warfaa Oo Dhaliyey Kulamadii Kismaayo Ay Ka Wadeen Cabdiweli Shiikh & Tageerayaashisu”

0

Warfaa for president 10Kismaayo(AGGM) Prof. Axmed Muumin Warfaa oo horey la-taliye ugu ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliilay qaabkii Raisalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo ku sifoobay hunguri raac ay u marin hababiyeen heshiiskii lagu soo gaaray Addis Ababa & Muqdisho,waxaana Prof Mumin shaaciyey inaan heshiiskaas loo marin wado sax ah.

Sidoo kale waxaa uu shaaciyey in Madaxda dawladu aysan arrimaha dib u heshiisiinta iyo maamul sameynta gobolladda dalka aysan kuwa socon isla markaasna kala taageersan yihiin dhinacyo kala duwan,waxaana uu ku tilmaamay kulamadii Cabdiweli Shiikh Axmed ee Magaalada kismaayo in wax badan ka qaldanayeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu Col Bare Hiirale uu xaq u leeyahay inuu diido wixii qaldan balse uusan didiin wixii saxan,waxaana uu ku tilmaamay inuu yahay nin oday ah oo hubeysan isla markaasna fahmir kara sida wax u socdaan,waxaana uu dawladda kula dardaarmay inay iyadu isa soo saxdo isla markaasna dib u heshiisiin dhab ka hir galiso dalka soomaaliya oo idil.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiiga Prof  Mumin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com