Warbixin: Wararki Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Kismaayo Iyo Shirka Ka Socda.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in odayaashi ka yimi magaalada Muqdisho iyo Cabdiweli Sheekh Axmed ay yeesheen kulan qaatay saacado.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa ka dib imaanshaha Odayaasha inay toos u tageen halka uu dagan yahay Cadbiwe Sheekh isalamrkaana ay yeesheen Kulan uu Cabdiwali waxa uu doonayana ugu sharxayay Odayaasha.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxa uu odayaasha u sheegay in uu magaalada Kismaayo u joogo in ay ciidamada Goobweeyn soo xaroodaan ka dibna hub ka dhigis lagu sameenayo.

Odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay Cabdiweli ugu jawaabeen waan ka soo tashaneenaa waxaan ka qabno fikirkaagana jawaabteeda ayaan kuu keenaynaa, waxa ayna hadda u fadhiyaan shir albaabada u xiran.

Isku soo wada duuboo ciidamada goobweeyn iyo nawaaxigeeda fariisimaha ku leh ayaa waxa ay iyagu qabaan oo doonayaan in la dhaqan galiyo dhamaan qodabadi ka soo baxay heshiiski Addis Ababa, haddii aan la dhaqan galina inaysan marnaba boola xooftada beenta ah ee Cabdiweli Sheekh Axmed dhag jalaq u siinayn.

Waxa Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com