Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda bartamaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose lagu toogtey laba sarkaal oo ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegayaa inay dilkooda ka dambeeyeen ciidamo hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan.
Labada Sarkaal ee hadda la toogtey ayaa mid ka mid ahi yahay Taliyhii Amaanka Magaalada Kismaayo ee dhibaatadda ku hayey shacabka Magaalada Kismaayo,waxaana sidoo kale la sheegayaa in lala dilay sarkaal kale oo isna la sheegay inuu xil muhiim ah u hayey Maleeshiyaadka Raaskambooni.
Labadan Sarkaalkan ee ka tirsan maleeshiyaadka laga soo aruuriyey Gaarisa Gubaay & Kilinka 5-aad ayaa lagu kala magacaabi jirey Maxamed Jamaame & Cabdicasiis,waxaana la sheegayaa in meydkoodu hadda yaalo bartmaha Magaalada Kismaayo.
Ugu dambeyntii Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegaya inay Magaalada Rasaas xoogan ka ridayaan iyagoo la aaminsan yahay inay rasaastaas waxyeelo ka soo gaartey dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale dilkan saraakiishan ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa imaanaya xilli Maqasaar Cabdiwali Shiikh Axmed Kismaayo ku sugan yahay.
Wararka ka soo kordha kala soco Allgalgaduud
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com