Golaha culumada diinta Islamka ayaa war uu soo saaray waxay ugu baaqay dawlada Kenya inay joojiso xad gudubyada tooska ah ee ay u geysato dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.
Warkaan uu goluhu soo saaray waxaa uu sheegay in dawlada Kenya ay si gaar ah u bartilmaamaysatay dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah ayadoo lagu eedaynayto inay argagixiso yihiin taasoo goluhu sheegay inay xad gudub ku tahay xeerka caalamiga ah.
Sh,Max’ed Door oo ah xog’hayaha golaha Culamada Islamka dalka Keny ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya in dawlada ay qalad ku tahay inay si gaar ah u bartilmaansado Soomaalida dalkeeda jooga ayagoo aragixiso ku tilmaamaya.
“Soomaalida Muslimiinta ah ee dalkaan jooga argagixiso ma aha Muslimiintuna ma taageerto argagixisada marka waa in dawlada Kenya joojisaa xad gudubka ay Soomaalida ku hayso”
Sh, Max’ed Door waxaa uu sidoo kale ugu baaqay saraakiisha amaanka dalka Kenya inay sii dayso Soomaalida u xir xiran hay’adaha amaanka ooo uu ku sheegay in dulmi lagu haysto.
Dawlada Kenya waayahaan waxay dalkeeda ka waday raaf ay ku haysay Soomaalida wadankaasi ku nool waxaana muuqaalo la duubay lagu arkay askar Kenya oo si arxan darro ah ula dhaqmayo haween iyo caruur Soomaaliyeed.