Muqdisho(AGGM):Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlusunna Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Al-shabaab ay Godoomiyeen Deegaanada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Gacanta ku hayaan ee Gobolka Gedo.
C/rixmaan Axmed “Al-ansaari” oo ka mid ah Saraakiisha Ahlusunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab Gaadiidka Xamuulka Qaada ee Deegaanada Dowladda ay hasato Geeya Cuntada ay Diideen in ay halkaasi tagaan.Cod.
Al-ansaari ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in si Deg deg ah wax looga qabto Dhibaatadad Al-shabaab ay ku hayaan Shacabka,waxaana sidoo kale uu beeniyey in Ciidamada Soomaaliya ay Baneeyeen Goobaha ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo Al-shabab ee Gobolka ka tirsan.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalagduud@gmail.com