Daawo Sawirada: Shirka Qaramada midoobay ee 47aad ee Gudiga Dadka iyo horumarintoodad oo ay soo abaabushay Qaramada midoobay UN, oo lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

0

New York, (AGGM): Ayaa waxaa ka soo qeyb Wafdiyo ka socda dalalka oo dhan, oo iskuugu jiro wasiiro, Agaasimo iyo Diblomasiyeen iyo Madaxda ururada waaweyn ee la shaqeeyo Xafiisyada qaramada midoobay, shirka oo maantey lagu soo gabagabeeyey, ayaa waxaa dalka soomaaliya u mataleyey Dibloomasi sare (Minister-Councillor) Cawale Ali Kullane oo qudbad ka aqriyey shirka: halkaa uu ku sheegay in soomaaliya ay ka shaqeynayso horumarinta dadka soomaaliyeed, ayada oo marka la hormariyo xaaqijinta amniga si hufan loogu tala jiro tabagalinta iyo dardargalinta barnamijyada lagu hormarinayo Cafimaad wax barashada iyo daryeelka guud ee shacabka soomaaliyeed iyo horumarintaa aqoonta iyo umada soomaaliyeed.

Waxaa uu mudane Kullane halka ka sheegay in dawlada soomaaliyeed ey ku taabo jirto tirakoobka shacabka soomaaliyeed iyo xaqijinta iyo xoojinta xogta laga aruuriyo cadadka baahida aqooneed iyo mida daryeel si loo curiyo qoshe ku dhisan tira koob qeexan, si waxqabadka barnamijyada ay si hufan ugu faafaan dalka oo idil.

Sidoo kale waxaa uu mudane kullane xusay in ay daryeelka iyo horumarinta umada ay tahay hadafka ugu horeeya ay donayaan in ay madaxda dalka qaasatan Madaxweyne Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud iyo Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Cabdiwali sheikh Ahmed ay si baahan kobciyaan daryeelka iyo horumarinta shacabka soomaaliyeed.

10003632_629366630488801_7196141583000299685_o 10010821_629360290489435_7017300313380690090_o 10010857_629360160489448_4991180566512994830_o 10257185_629360283822769_3410201085270360211_o 1537962_629360150489449_8766178445168169151_o 1980070_629360157156115_2066542264567560605_o

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com